Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-Iibsiga Cayaartooyda

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa kusii wajahan magaalada Paris si uu u dhameeystiro heshiis 2 sanno ah iyo sannad dheeri ah oo ikhtiyaari ah oo uu ugu biirayo kooxda Paris Saint Germain, 34 -jirka reer Argentina ayaa ka tegay Barca – kooxda kaliya ee uu waligiis u cayaaray – maadaama ay awoodi waayeen inay heshiis cusub la galaan kaddib markii uu qabtay xeerka dhaqaale wanaagga ee La Liga. (BBC SPorts)

Roma ayaa ku dhow inay heshiis kula soo wareegto weeraryahanka Ingiriiska ee Tammy Abraham, oo 23 jir ah (Mail)

Abraham ayaa sidoo kale xiiso ka helaya Arsenal iyo Atalanta. (Goal)

Paris St -Germain ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay cayaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo Faransiiska ee Paul Pogba oo 28 jir ah (Le Parisien – in French)

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa Real Madrid la billoowday wadahadalo cusub oo ku aaddan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka Norway ee Martin Odegaard oo 22 jir ah, (90min )

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale baareysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Bernardo Silva (26 jir), kaasoo u sheegay kooxda heysata horyaalka Premier League-ga inuu doonayo inuu ka tago. (Sunday Mirror)

Lyon ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka Liverpool iyo Switzerland Xherdan Shaqiri oo 29 jir ah (L’Equipe )

Manchester United ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso saxiixa daafaca Real Madrid Raphael Varane oo 28 jir ah Arbacada – waqtigaas oo uu xiddiga Faransiiska cayaari doono kulankooda furitaanka Premier League oo ay Sabtida la cayaarayaan Leeds. (Daily Star)

Liverpool ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo garabka Rennes iyo Belgium Jeremy Doku, oo 19 jir ah (Voetbal 24 – Dutchs)

Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester City ee Ingiriiska ee Raheem Sterling oo 26 jir ah ayaa qarka u saaran inuu wadahadalo qandaraas cusub la galo kooxdiisa. (The Sun)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Spurs. (Athletics)

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Markale Wadahadalo La Furtay Real Si Ay Uga Helaan Odegaard

Read Next

Daawo Muuqaal: Lionel Messi Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Paris

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?