Tottenham Oo Dooneeysa Bartilmaameedka Liverpool & Manchester United

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xiiseyneysa inay Ismaila Sarr kala soo wareegto Watford suuqa kala iibsiga xagaagan, sida laga soo xigtay Eurosport.

Eurosport  ayaa soo warinaysa maanta in Tottenham ay ku biirtay loolanka loogu jiro garabka Watford Ismaila Sarr.

Liverpool iyo Manchester United ayaa sidoo kale xiiso u haya 23 jirkaan balse ma horumarsana.

Tottenham ayaa hadda fiirineysa suurtogalnimada helitaanka garabka Senegal waxaana ay ku fikirayaan inay u dhaqaaqaan xagaagan.

Watford ma rabto inay iska iibiso Sarr, laakiin kooxda Premier League-ga usoo dallacday ayaa ku doonaysa in ka badan 50 milyan oo ginni.

Sarr waa xiddig garabka ka cayaara oo aad ugu wanaagsan Watford tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Rennes xagaagii 2019.

Ciyaaryahanka reer Senegal ayaa dhaliyay shan gool wuxuuna caawiyay afar kale 22 kulan oo Premier League ah oo uu kusoo bilowday xilli-cayaareedkii 2019-20.

Xilli ciyaareedkii hore, Sarr wuxuu dhaliyay 13 gool wuxuuna caawiye ka noqday afar kale 39 kulan oo horyaalka heerka 2aad ee Ingiriiska ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Neymar Oo Messi Kusoo Dhoweeyay Paris

Read Next

RASMI: PSG Oo Ugu Dambeyn Soo Bandhigay Lionel Messi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?