Roma Oo Qarka U Saaran Abraham

Kooxda kubbada-cagte Roma ee dalka Talyaaniga ayaa u soo bandhigtay Chelsea heshiis 34 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso weeraryahan Tammy Abraham.

Dalabka wuxuu leeyahay inay amaah ku qaataan marka hore oo ay dheertahay ikhtiyaar ah in heshiiska laga dhigo mid joogto ah. Chelsea ayaase doorbideysa inay si toos ah u iibiso 23 jirkaan kaasoo aan weli aqbalin inuu u dhaqaaqo Roma isagoo sidoo kale xiiso ka helaya kooxda kubbada-cagta ee Arsenal.

Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa dooneysa inay iska iibiso ciyaartoy dhowr ah si ay u kabto £ 98milyan ahayd ee kaga baxday saxiixa weeraryahan Romelu Lukaku oo ay kasoo iibsatay Inter Milan.

Abraham, oo dhaliyay 12 gool xilli ciyaareedkii hore, ayaa hore u diiday inuu u dhaqaaqo Serie A oo uu ku biiri lahaa kooxda Atalanta laakiin waxaa la fahansan yahay inuu xiiseynayo inuu Jose Mourinho kala shaqeeyo Roma.

Arsenal ayaa weli ku jirta tartanka loogu jiro saxiixiisa iyadoo sugeysa in Alexandre Lacazette mustaqbalkiisa ay meelmariso.

Dhanka kale, Inter ayaa dooneysa weeraryahan heer sare ah si ay uga dhigto beddelka Edin Dzeko oo ay kala soo saxiixanayaan kooxda Roma si uu beddel ugu noqdo Lukaku heshiis 4.5 milyan oo ginni ah. Inter ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Everton ee Moise Kean.

Abdihakim Olad

Read Previous

Messi Oo Heshiis La Gaaray PSG

Read Next

Arsenal Oo Markale Wadahadalo La Furtay Real Si Ay Uga Helaan Odegaard

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?