RASMI: PSG Oo Ku Dhawaaqday Messi

Kooxda Paris Saint Germain ayaa ku dhawaaqday saxiixii la wada sugayay ee Lionel Messi, kaddib markii uu xiddigan goordhow soo gaaray magaalada Paris.

Messi ayaa PSG u saxiixaya heshiis 2 sanno ah waxaana heshiiska dheer hal sanno oo ikhtiyaari ay u leedahay kooxda PSG inay ku kordhiso khandaraaskiisa.

Waxaa la filayaa inuu kooxda u xirto nambarka 30aad oo ah nambarkii uu xirnaa kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda Barcelona 2003 kaddib markii uu iska diiday fursad uu ku xiran karay lambarkiisa 10aad ee caanka ah ee uu haatan xirto Neymar Jr xushmad uu u hayo aawadeed.

PSG ayaa markii uu Messi yimid magaalada Paris muuqaal soo dhigtay barteeda Twitterka oo ku xustay in ” Dheemanka cusub uu Paris soo gaaray” taasi oo horudhac u ah ku dhawaaqistiisa rasmiga ah oo haatan keliya tijaabada caafimaad ay ka harsantahay iyadoo beritana la filayo inuu shir jaraa’id qabto islamarkaana lasoo bandhigo isagoo cayaaryahan PSG ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Daawo Muuqaal: Lionel Messi Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Paris

Read Next

Neymar Oo Messi Kusoo Dhoweeyay Paris

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?