Messi Oo Heshiis La Gaaray PSG

Lionel Messi ayaa ogolaaday heshiis labo sano ah oo uu ugu biirayo kooxda Paris St-Germain kaddib markii uu si lama filaan ah uga tagay Barcelona, sidaas waxaa yiri qoraaga BBC Sport Guillem Balague.

Heshiiska, oo leh ikhtiyaarka sannadka saddexaad ah, ayaa ku xiran in la dhammeystiro tijaabada caafimaad iyo faahfaahino kale oo dheeri ah.

34 -jirka reer Argentina ayaa ka tagay Barca – kooxda kaliya ee uu waligiis u ciyaaray – maadaama ay awoodi waayeen inay heshiis cusub la galaan kaddib markii uu qabtay xeerka dhaqaale wanaagga ee La Liga.

Kooxda Mauricio Pochettino ee PSG ayaa ku dhammeysatay kaalinta labaad ee horyaalka Faransiiska xilli-cayaareedkii hore kaddib markii ay kooxda Lille ku guuleeysatay.

Messi ayaa haatan kusii wajahan magaalada Paris si uu noloshiisa cusub halkaasi uga billoowdo.

Wuxuu Messi PSG kula middoobi doonaa saaxiibkiisii hore ee Barca Neymar Jr iyo sidoo kale saaxiibka ay xulka Argentina uga wada cayaaraan ee Angel Di Maria sidoo kale wuxuu la safan doonaa xiddiga lagu tilmaamo inuu yahay kan xiga ee Messi iyo Ronaldo ka beddelaya ku guuleeysiga Ballon D’or ee Kylian Mbappe.

Abdihakim Olad

Read Previous

Aguero Oo 10 Isbuuc Dhaawac Ku Maqnaanaya

Read Next

Roma Oo Qarka U Saaran Abraham

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?