Aguero Oo 10 Isbuuc Dhaawac Ku Maqnaanaya

Weeraryahanka Barcelona Sergio Aguero ayaa maqnaan doona muddo 10 isbuuc ah kaddib markii uu soo gaaray dhaawac kubka middig ah, sida ay xaqiijisay kooxda Barca.

Bayaan ay soo saartay Barcelona ayaa lagu sheegay in baaritaano lagu sameeyay weeraryahanka reer Argentina lagu xaqiijiyay dhaawaca seedaha.

Aguero, oo 33 jir ah, ayaa Barcelona kaga soo biiray Manchester City heshiis laba sano ah bishii June.

Wuxuu 10 sano ku qaatay City, waqtigaas oo uu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda isagoo dhaliyay 260 gool 390 kulan.

Aguero ayaa sannadkan Copa America kula guuleystay xulka Argentina, waxaana kula wehliyay Lionel Messi oo dhowaan la xaqiijiyay inuu ka tagay kooxda haatanna uu qarka u saaranyahay inuu ku biiro kooxda PSG ee dalka Faransiiska.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Inter Kala Heshiisay Lukaku

Read Next

Messi Oo Heshiis La Gaaray PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?