Lionel Messi Oo Wadahadalo Horumarsan Kula Jira PSG

Lionel Messi ayaa si toos ah ula hadlay tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino isaga oo ku sii dhawaanaya ku biirista kooxda Faransiiska kaddib markii uu ka tagay kooxda Barcelona.

34 jirkaan ayaa la filayaa inuu saxiixo qandaraas labo sanno ah isbuuca soo socda, kaasoo qiimihiisu yahay 25 milyan oo ginni sanadkii marka laga reebo canshuurta, iyadoo sanad kale lagu kordhin karo heshiiska, xilli Messi iyo aabihiis Jorge ay sidoo kale ku dhiirran yihiin imaanshaha dalab faa’iido leh toddobaadkan.

Messi ayaa ka tagay Barcelona kaddib markii kooxda ka dhisan La Liga ay awoodi weyday inay fuliso heshiis cusub oo ay kula heshiisay ciyaaryahanka sababo la xiriira “caqabado dhaqaale ”.

PSG, oo uu maamulo ninka ay isku dalka yihiin Messi ee Pochettino, ayaa si degdeg ah ugu soo baxday saxiixiisa, tallaabadaas oo la midoobin doonta saaxiibkiisii hore ee Barcelona Neymar Juniro iyo saaxiibka ay isku xulka yihiin ee Angel Di Maria.

Messi ayaa u furan inuu ku biiro PSG, laakiin isaga iyo wakiiladiisa ayaa doonaya inay waqti qaataan si ay u qiimeeyaan xulashooyinkooda kaddib markii uu si lama filaan ah uga tegay Nou Camp.

PSG waxay rumeysan tahay inay haysato fursad wanaagsan oo ay ku dhammaystiri karto heshiiska Messi isla markaana ay awood u yeelan karto inay la soo saxiixato iyada oo aan jabin xeerarka Dhaqaale ee FIFA

Gianluigi Donnarumma, Sergio Ramos iyo Georginio Wijnaldum ayaa durbadiiba kusoo gaaray Parc des Princes si bilaash ah xagaagan Messi-na waxaa lagu wadaa inuu la midoobo qoladaas iyo kuwii kaga horreeyay magaalada Paris.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester City Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Lionel Messi

Read Next

Chelsea Oo Inter Kala Heshiisay Lukaku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?