RASMI: Man City Oo Grealish Kula Wareegtay Heshiis Rikoor ah + Faahfaahin

Kooxda heysata horyaalka Premier League-ga ee Manchester City ayaa sameysay saxiixeedii ugu weynaa xagaaga kaddib markii ay dhammeystirtay heshiis rikoor kooxeed ah oo ay kula soo wareegtay xiddiga Aston Villa ee Jack Grealish.

Manchester City ayaa jabisay rikoorkii suuqa kala-iibsiga ee Ingiriiska kaddib markii ay dhammeystirtay saxiixa Jack Grealish oo ay kula soo wareegtay £100 milyan oo kaga yimid Aston Villa.

Cayaaryahanka heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaa saxiixay heshiis lix sano ah kaddib markii uu iska diiday heshiis cusub inuu u saxiixo kooxda ku cayaarta Villa Park.

Sida laga soo xigtay City Xtra, waxaa la sheegaa in xiddigan 200,000 oo ginni toddobaadkii ka qaadan doono kooxda Manchester, taas oo aad uga badan lacagtii lagu siin jiray Villa.

Tiradaan toddobaadlaha ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhigi doonto Grealish cayaaryahanka seddexaad ee ugu mushaarka badan City, kaliya Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa inay ka mushaar badan yihiin.

Grealish, oo 25 jir ah, ayaa lagu abaalmariya lambarka 10 -aad ee kooxda kaasoo uu banneeyay Sergio Aguero, waxaana xiddigan uu haatan qarka u saaranyahay inuu ciyaaro kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda marka ay koobka Community Shield-ka Wembley kula loolami doonaan Leicester City.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Barcelona Oo Xaqiijisay Bixitaanka Lionel Messi

Read Next

Wax Ka Ogoow Kooxaha Uu Messi Ku Biiri Karo Kaddib Markii Uu Ka Tegay Barcelona

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?