DEG-DEG: Barcelona Oo Xaqiijisay Bixitaanka Lionel Messi

Lionel Messi uma saxiixi doono heshiis cusub kooxda Barcelona taa beddelkeedna waa ay fasaxday xiddiga reer Arjentiina, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee xiddiga reer Argentine ayaa dhacay xagaagan laakiin waxaa la filayay in uu ballan qaado heshiis cusub kahor xilli ciyaareedka cusub.

Messi ayaa wadahadalo la yeeshay kooxda horraantii khamiistii laakiin kulanka si fiican uma dhicin kooxda reer Catalan ayaana haatan xaqiijisay inuu xiddigan kooxda kusoo laaban doonin.

Barcelona ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in heshiis la isku afgartay laakiin aan la saxiixi karin sababo la xiriira xeerarka dhaqaalaha ee La Liga.

“Xaaladdan awgeed, Messi ma sii joogi doono FC Barcelona.” ayaa lagu yiri bayaankii ay Barca soo saartay

“FC Barcelona waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelineysaa cayaaryahanka kaalintii uu ka qaatay kobcinta naadiga waxayna u rajaynaysaa wanaag ku aaddan dhammaan mustaqbalka noloshiisa gaarka ah iyo tan xirfadeedba.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Daawo Orodkii Cali Xasan Iidoow Ee 1500m (Muuqaal)

Read Next

RASMI: Man City Oo Grealish Kula Wareegtay Heshiis Rikoor ah + Faahfaahin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?