Koox Premier League-ga Ka Cayaarta Oo Dooneeysa Xiddigii Hore Ee Arsenal -Waa Tee Kooxdaas?

Arsenal’s Welsh midfielder Aaron Ramsey celebrates after scoring the team’s first goal during the UEFA Europa League quarter final, first leg, football match between Arsenal and Napoli at the Emirates Stadium in London on April 11, 2019. (Photo by Ben STANSALL / AFP) (Photo credit should read BEN STANSALL/AFP/Getty Images)

Kooxda Newcastle United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday xiddigii hore ee qadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey, iyadoo weydiisatay Juventus helitaanka xiddigan.

30 jirkaan ayaa weli labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Turin laakiin mustaqbalkiisa ayaa wax la iska weydiiyay kaddib markii dhaawacyo ay ku sababeen inuu ku dhibtoodo inuu saameyn joogto ah ku yeesho Talyaaniga.

Xiddiga reer Wales ayaa kusoo bilowday kaliya 13 kulan oo Serie A ah xilli-ciyaareedkii hore, taasoo dhab ahaantii ka sarreysay 11 kulan oo uu saftay ololihiisii ugu horreeyay ee Juventus.

Ramsey ayaa beeca xorta ah uga yimid Arsenal, laakiin mushaharkiisa aadka u badan ee toddobaadkii 400,000 oo Pound ah ayaa naaqus weyn ku ah akoonada kooxda Juventus iyadoo uu sidoo kale si aan joogto ahaynna ugasoo muuqdo safka 1aad ee kooxda tan iyo markii uu usoo wareegay.

Goal ayaa sheegeysa in Newcastle aysan weli wax dalab ah u soo gudbin Ramsey, laakiin ay wax ka weydiisay helitaankiisa xagaagan.

Doncaster Rovers v Newcastle United - Pre-Season Friendly

Tababaraha Newcastle Steve Bruce ayaan qarsan rabitaankiisa ah inuu si joogto ah ula soo wareego Joe Willock oo Arsenal ka tirsan kaddib markii uu amaah fiicanuu ku qaatay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore, inkasta oo u dhaqaaqistaasi aysan u muuqan mid dhow.

Magpies-ka ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inay u dhaqaaqayaan xiddiga Chelsea Ross Barkley, iyadoo Bruce uu aad u doonayo inuu safkiisa kusoo daro gooldhaliye iyo kubbad-sameeye qadka dhexe ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Isbeddel Lagu Sameeynayo Hanaanka VAR Ee Premier League-ga Xilli-cayaareedka Xiga

Read Next

Inter Oo Diiday Dalabkii £85 Milyan Ay Chelsea Ka Gudbisay Romelu Lukaku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?