Harry Kane Oo Tababarkii Maanta Ee Tottenham U Gooyay

Weeraryahanka xulka Ingiriiska ee Harry Kane ayaan iman tababarkii kooxda Tottenham ee maanta, iyadoo la saxaafadda la isla dhexmarayo inuu u dhaqaaqayo Manchester City.

Kane ayaa si cad u sheegay bishii June inuu doonayo inuu ka tago Spurs, City ayaana tan iyo markaas dalab 100 milyan oo ginni ah oo ay ka gudbisay laga soo diiday.

Weeraryahanka ayaa weli aad u doonaya inuu ka tago Tottenham xagaagan, inkastoo Cityzens ay haatan u muuqdan kuwa u weecday dhanka xiddiga Aston Villa ee Jack Grealish.

Sida ay werisay Sky Sports News, Kane ayaa la sheegay inuu ku guul darreystay inuu iska soo xaadiriyo tababarkii maanta ee kooxda Spurs.

Waxaa lagu waday inuu maanta bilaabo diyaar garowgiisa xilli ciyaareedka kaddib fasax gaaban oo la siiyay wixii ka dambeeyay Euro 2020. Ilaa iyo hadda, sababaha maqnaanshiyaha Kane ma cadda.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, waxaa laga waaya coronavirus ama mana ahan mid dhaawac ku maqan maqnaanshiyihiisana waa go’aan shaqsiyeed ee uu isagu gaaray. Kane wuxuu weli ku hoos jiraa aragtida ah inuu ‘heshiis la yeeshi’ agaasimaha kooxda Daniel Levy, taasoo u oggolaanaysa inuu baxo xagaagan.

Naadigu way kasoo horjeedaa taas waxaana agaasimaha kooxda weli ka go’an inuu xiddigan ku sii hayo kooxda

Haddii Kane uu sii wado inuu tababarka kasoo qeybgalin, waxay noqoneysaa inuu qasbayo in la fasaxo. Taasoo Tottenham ku sababi karta go’aan ay ka gaaraan sidda ay ka yeelayaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Xhaka Wuu Joogayaa Arsenal’ – Arteta

Read Next

Chelsea Oo Weli Daba Taagan Sidii Ay Wiilkeedii Hore Kusoo Ceshan Lahayd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?