Chelsea Oo Weli Daba Taagan Sidii Ay Wiilkeedii Hore Kusoo Ceshan Lahayd

Kooxda kubbada-cagta ee Chelsea ayaa weli ku raadjoogta saxiixa weeraryahankoodii hore ee Romelu Lukaku kaasoo Inter Milan u safta.

Wararka ayaa sheegaya in Blues ay xiriiro joogto ah la sameeyneeyso kooxda Inter Milan si ay wadahadalo uga gasho suurtagalnimada Lukaku looga iibin karo.

Sida ay ku waramayso 90min kooxda Chelsea ayaa xiriiro la sameeyneeysa saraakiisha kooxda Inter iyo wakiilada xiddiga, dadka ku dhow dhow Lukaku ayaa la rumeysanyahay inay aad u xiiseynayaan in Lukaku uu dib dib ugu laabto galbeedka London kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Tani waxay imaneysaa kaddib xaqiiqda ah in Lukaku uu si cad u sheegay inuusan doonayn inuu ka tago Inter suuqa xagaagan.

Lukaku ayaa si adag isugu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan adduunka tan iyo markii uu u soo guuray Talyaaniga laba sano kahor. 95 kulan oo uu u saftay Nerazzurri tartamada oo dhan waxa uu dhaliyay 64 gool isagoo sidoo kale sameeyay 16 caawin.

Abdihakim Olad

Read Previous

Harry Kane Oo Tababarkii Maanta Ee Tottenham U Gooyay

Read Next

Isbeddel Lagu Sameeynayo Hanaanka VAR Ee Premier League-ga Xilli-cayaareedka Xiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?