“Waxaan Ahay Cristiano Ronaldo, Ma Sameeyo Xujooyinka Birta Ee Shabaqa Ayaan Dhexdhigaa Kubbada”

Tababare Rafa Benitez ayaa dhisaya kooxdiisii cusub ee Everton kaddib markii uu shaqada kala wareegay Carlo Ancelotti xagaagan.

Waxaa soo baxday sheeko uu lug leeyahay Antonio Gomez, caawiyihiisii hore ahna falanqeeye sare, iyo Cristiano Ronaldo.

Waxay sheekada dib ugu laabaneysaa waayihii Benitez ee Real Madrid, waxaana lagu shaaciyay wargeyska The Athletic.

“Aad buu ugu fiican yahay xujooyinka geeska-birta,” ilo ayaa ka yiri Gomez. “Wuxuu mar walba ku xujeysan jiray cayaartoyda Real Madrid lacagna wuu ka heli jiray. Hal maalin tababarkii kaddib, wuxuu tartan la galay Toni Kroos, Sergio Ramos iyo Luka Modric wuxuuna ka qaaday boqolaal euro dhammaantood.”

“Cristiano Ronaldo wuu daawanayay xujooyinka Gomez, wuxuuna go’aansaday inuu isagana la tartamo sidaa darteed wuxuu u qeylo dhaanshay Ronaldo laakiin Ronaldo ayaa markii uu yimid ku yiri, ‘ Waxaan Ahay Cristiano Ronaldo, ma sameeyo xujooyinka birta ee shabaqa ayaan dhexdhigaa kubbada ’. Qof walba wuu qoslay laakiin Gomez wuu jecleystay inuu Ronaldo siddaas dhahay sababtoo ah Ronaldo wuu ogaa inuusan guuleysan doonin! ”

Gomez tababarihii uu waqtigaas gacanyaraha u ahaa ee Benitez ayaa keliya hal xilli ciyaareed ku qaatay Madrid, 2015/16. Wuxuu ka tagay Napoli oo wuxuu aadi doonaa Newcastle United, inkasta oo tababaraha reer Spain si fiican loogu yaqaano waayihiisii Liverpool intii u dhexeysay 2004 iyo 2010, halkaasoo uu kula guuleystay FA Cup, Community Shield, European Super Cup iyo, dabcan, 2005 oo uu kula guuleeystay Champions League. Hadda waxaa loo xilsaaray inuu u horumariyo kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan Liverpool ee Everton.

Balse Cristiano Ronaldo wuxuu ku riyaaqay guulo badan oo uu ku qaatay caasimadda Spain marka loo eego Benitez, haddii aan si kale u dhigno. Xiddiga reer Portugal ayaa Real Madrid kaga soo biiray Manchester United sannadkii 2009 wuxuuna sagaal sano ku qaatay Madrid kahor inta uusan u dhaqaaqin Juventus xagaagii 2018. Wuxuuna ku guuleystay labo horyaal oo La Liga ah, labo koob oo Copa del Rey ah, labo koob oo Supercopa de Espana ah, afar Champions League ah, labo European Super Koobab iyo saddex Koobka Adduunka kooxaha ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Gary Cahill Oo Ka Tegay Palace

Read Next

TOOS: Arsenal vs Chelsea | Kulan Saaxiibtinimo | HD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?