Tottenham Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Copa America

Kooxda kubbada-cagta Tottenham ayaa lagu soo waramayaa inay ugu dambeyn heshay heshiis ay kula soo saxiixaneyso daafaca dhexe ee xulka Argentina Cristian Romero oo ka tirsan kooxda Atalanta.

Difaaca ayaa ka mid ahaa meelaha ugu weyn ee ay Tottenham diirada saartay suuqa kala iibsiga ilaa iyo haatan. Agaasimaha kooxda ee Fabio Paratici ayaa bartilmaameedsanayey xiddigo badan si uu u xoojiyo booska daafaca dhexe. Baahidoodu waxay noqotay mid sii weynaatay kaddib bixitaankii Toby Alderweireld oo ku biiray kooxda reer Qatar ee Al-Duhail.

Sida laga soo xigtay TyC Sports oo ah wargeys kasoo baxa dalka Argentina, Tottenham Hotspur ayaa oggolaatay inay bixiso €50 milyan oo lagu daray € 5m oo gunno ah si ay ula soo saxiixato Romero.

Atalanta ayaa weli amaah uga haysata Juventus, laakiin waxay diyaar u tahay inay furto qiimaha lagu iibsan karo kahor inta aysan ku iibin macaash weyn. Waxay sugayeen ku dhawaad € 60 milyan, taasoo ku qasabtay Spurs inay dib u fikirto. Laakiin tanaasul ayaa hadda dhow.

Markii ay sare u qaadeen dalabkooda, Tottenham ayaa hadda qarka u saaran in dalab rasmi ah ay ka gudbiyaan xiddigan oo ay filayaan in laga aqbalo, sida ay sheegayaan warbixinadda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Lautaro Martinez Oo Niyadjabiyay Arsenal Kaddib Markii La Ogaaday 3da Kooxood Ee Uu Ku Riyoodo

Read Next

Gary Cahill Oo Ka Tegay Palace

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?