Leeds Oo ‘Si Dhab Ah’ U Dooneeysa Traore Oo Sidoo Kale Xiiso Ka Helaya Barcelona iyo Liverpool

Xoogweeynaha reer Spain ayaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa Wolves kaddib markii uu ka cagajiiday inuu heshiis cusub u saxiixo.

Leeds United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Adama Traore, sida ay Goal ku warantay.

Wadahadaladii qandaraas kordhinta ee u dhaxeeyay garabka reer Spain iyo kooxdiisa ayaa hakad galay, taasoo soo jiidatay indhaha kooxaha ku xifaaltama horyaalka Premier League.

Laakiin Leeds ayaa ku qasbanaan doonta inay heshiis la gaarto Wolves xilli-hore haddii ay doonayaan inay helaan bartilmaameedkooda Traore oo soo jiidan kara indhaha kooxo kale.

Wolves ayaana xiddigan ku qiimeeysa adduun lacageed gaaraya 30 milyan oo ginni inkastoo aanay dooneeyn inay iska iibiso iyagoo haatan xiddigan usoo bandhigaya heshiis cusub.

Kooxda Wolves ayaa doonaysa inay sii heysato xiddigan oo wararka la isla dhexmarayo in sidoo kale uu xiiso ka helayo Liverpool iyo Barcelona oo ah kooxaha ilaa haatan lagu xusay meelaha ay suurtogal tahay inuu tago kahor inta aanay loolanka kusoo biirin kooxda Leeds United oo la rumeysanyahay inay tahay ‘xiiseeye dhab ah’

Abdihakim Olad

Read Previous

Aston Villa Oo Heshiis La Gaartay Bartilmaameedkii Kooxa Badan Oo Waaweeyn (Miyey Heleen Beddelkii Grealish?)

Read Next

Tababaraha Bayern Oo Ka Hadlay Xaaladda Xiddigiisa Lala Xiriirinayo Manchester United

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?