Lautaro Martinez Oo Niyadjabiyay Arsenal Kaddib Markii La Ogaaday 3da Kooxood Ee Uu Ku Riyoodo

Rajadii kooxda Arsenal ee saxiixa Lautaro Martinez ayaa la kulmay dharbaaxo xanuun badan kaddib markii weeraryahanka Inter Milan uu riyadiisa u magacaabay saddex kooxood.

Xiddiga reer Argentina ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday Gunners maalmihii la soo dhaafay iyadoo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay diiradda saartay kaddib saxeexeedii ugu dambeeyay ee Ben White.

Sida laga soo xigtay Sport Mediaset, Gunners ayaa u gudbisay dalab 60 milyan oo ginni ah kooxda Inter ee xiddiga reer Argentina, inkastoo loo tixgeliyey “dalab maran” maadaama ay Inter iska diiday dalabkaasi.

Ma ahan Inter oo kaliya, Arsenal waa inay ku qancisaa xiddigan inuu iyaga usoo wareego haddii ay dooneyso inay lasoo saxiixato, iyadoo Martinez laftiisa la sheegay inuu shaki ka qabo dhaqaaqista xaagaagan.

Waxaa la sheegay in Martinez uusan wax dan ah ka lahayn u dhaqaaqista Ingiriiska xagaagan mana xiiseynayo ka ciyaarista Premier League.

Xaqiiqdii, waxaa jira saddex kooxood oo Martinez uu jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo waana kooxaha La Liga ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Waxaa la rumeysanyahay in 23 jirkaan “uusan dooneyn” inuu ka dhaqaaqo San Siro ilaa “dalabyo muhiim ah” laga soo gudbiyo mid ka mid ah saddexda kooxood ee uu ku xusay inay yihiin kooxihiisa riyada.

Abdihakim Olad

Read Previous

Erling Haaland Oo Qirasho Sameeyay Kaddib Bixitaanka Sancho

Read Next

Tottenham Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Copa America

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?