Gary Cahill Oo Ka Tegay Palace

Daaficii hore ee xulka qaranka Ingiriiska Gary Cahill ayaa ka tagay kooxda Crystal Palace kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa.

35 jirkaan ayaa ku yimid Selhurst Park heshiis labo sano ah bishii Ogosto 2019 kaddib markii Chelsea ay fasaxday.

Cahill, oo dhaliyay hal gool 45 kulan oo horyaalka ah, ayaa baraha bulshada ku yiri: “Fikir badan iyo wadatashi kaddib, waxaan xaqiijin karaa inaan ka tagay Crystal Palace.”

Tababaraha cusub ee Palace Patrick Vieira ayaa lasoo saxiixday daafacyada Joachim Andersen iyo Marc Guehi xagaagan si loo buuxiyo booska Cahill loona xoojiyo daafaca kooxda.

Cahill ayaa ku guuleystay Premier League, FA Cup, League Cup, Champions League iyo Europa League intii uu joogay Chelsea.

Cayaaryahankii hore ee Bolton iyo Aston Villa ayaa xulka Ingiriiska u saftay 61 jeer kahor inta uusan ka laaban waajibaadka xulkiisa kaddib Koobkii Adduunka ee 2018.

Abdihakim Olad

Read Previous

Tottenham Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Copa America

Read Next

“Waxaan Ahay Cristiano Ronaldo, Ma Sameeyo Xujooyinka Birta Ee Shabaqa Ayaan Dhexdhigaa Kubbada”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?