Chelsea Oo Guul Gunners Kaga Gaartay Emirates Kulan Saaxiibtimo Oo Aad U Xiiso Badnaa

Kooxda kubbada-cagta ee Chelsea ayaa sii wada rikoorkeedii fiicnaa ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Arsenal ciyaar saaxiibtinimo oo sadaqo aruurin ah taasoo lagu cayaaray garoonka Emirates Stadium.

Goolal ay dhaliyeen Kai Havertz iyo Tammy Abraham ayaa guusha siisay Blues, iyadoo Granit Xhaka uu u dhaliyay Gunners goolkooda keliya inkastoo gool barbarro ah ay ku dhowaadeen inay keensadaan markii Joe Willock uu birta sare iyo diilinta dhuftay laad xooggan oo garsooruhu uu ku xukmiyay inaanu gool ahayn.

Eedeymo loosoo jeedinaya macalin Mikel Arteta ayaa si xowli ah cayaarta kaddib uga billowda baraha bulshada oo ay taageerayaasha isu gudbinayaan. laakiin Blues ayaa ahayd kooxda heysatay laxanka wanaagsan ee cayaarta kaddib markii ay cayaaryahanadoodu ay isla fahmeen shaxda macalin Tuchel.

Siddeey Wax U Dhaceen?

Waqti dheer kuma aysan qaadin kooxda heysata horyaalnimada Yurub inay hesho goolka furitaanka, waxayna timid daqiiqadii 26 -aad.

Kubbad uu meel cidlo ah oo bartamaha garoonka u dhow ka helay Timo Werner ayuu kusoo jiiddaay dhanka kooxda Gunners markaasoo si dhaqso leh ula helay Kai Havertz waqtigii ku haboonaa iyadoo xiddiga Jarmalkana uu goosha kula hubsaday kubbada kaddib markii uu ku laaday lugtiisa daciifka ah ee middig.

Gunners ayaa lagu qasbay inay Thomas Partey beddesho qeybtii hore kaddib markii uu xiddigan dhaawac soo gaaray markii uu caqabad kala kulmay Ruben Loftus-Cheek.

Cayaaryahanka reer Ghana ayaa isku dayay inuu sii wato cayaarta kaddib markii la daweeyay laakiin wuxuu ku baaqay in lagu beddelo oo aanu sii cayaari karin markii ay shan daqiiqo ka harsanayd nasiinada qeybta hore.

Blues ayaa heshay fursado ay ku sii dheereysan kartay hoggaanka, laakiin waxay ku guuldarreysatay inay gool u beddesho, taasoo u saamaxday Gunners inay soo barbarreeyaan cayaarta.

Nicolas Pepe ayaa gees-ka-laad uu soo dhex dhigay sanduuqa goosha waxaa la helay Granit Xhaka, kaasoo madaxa ka galiyay meel lix yaardi u jirta isagoo cayaarta ka dhigay 1-1.

Blues inay dib u hesho hoggaanka ayaa si kastaba ha ahaatee qaatay kaliya seddex daqiiqo iyadoo kubbad dabacsan oo Bellerin la rabay Xhaka ka helay meel halis ah taasoo u ogolaatay Tammy Abraham inuu shabaqa soo taabto kana dhigo natiijada 2-1.

Saxiixa cusub ee Gunners Ben White ayaa wacdaro ka dhigay safarkiisii ugu horreeyay ee Gunners wuxuuna sameeyay taakal daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka si uu Hakim Ziyech ugu diido inuu dhaliyo gool uu goolhayaha soo dhaafay.

Cayaarta sidddaas ayay kusoo idlaatay.

Labada kooxood ayaa isbuuca soo aaddan mid walba wajihi doonta Tottenham kulamada ugu dambeeya ee Taxanaha Mind ee sadaqo ururinta.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Arsenal vs Chelsea | Kulan Saaxiibtinimo | HD

Read Next

‘Xhaka Wuu Joogayaa Arsenal’ – Arteta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?