Raul Jimenez Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay Taniyo Dhaawacii Halista Ahaa Ee Madaxa

Raul Jimenez ayaa kusoo laabtay wadadii gooldhalinta markii ugu horreysay tan iyo markii uu kasoo laabtay dhaawac qalfoofta madaxa kasoo gaaray, isagoo dhaliyay goolkii barbaraha ee kulankii Wolves ay 1-1 la gashay Stoke City.


30 jirkaan ayaa ka soo kabsaday dhaawac madaxa ah oo soo gaaray bishii Nofembar ee sannadkii 2020 kulan Wolves ay la cayaartay kooxda Arsenal, markaasoo uu u baahday qaliin degdeg ah kaddib markii ay isku dhaceen daafaca Gunners David Luiz.

Jimenez ayaa lagu daray safka Wolves ee kulanka saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Crewe horraantii bishan Luulyo, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankaas. balse kusoo laabashadiisii mudada dheer la sugayay ee gooldhalinta ayaa ugu dambayn timid Sabtidii, markii uu gool ka dhaliyay kooxda Stoke City.

Abdihakim Olad

Read Previous

Dalabkii Man City Ee Grealish Oo La Aqbalayo Iyo Goorta Uu Caafimaadka Marayo Oo La Ogaaday

Read Next

Aston Villa Oo Heshiis La Gaartay Bartilmaameedkii Kooxa Badan Oo Waaweeyn (Miyey Heleen Beddelkii Grealish?)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?