Pogba Oo Baxaya, Trippier Oo Imanaya? – Maxaa United U Xiga Suuqa Kala-iibsiga Kaddib Saxiixyada Sancho Iyo Varane

Kooxda ayaa xaqiijisay laba saxiix oo mudnaanta ay ka dhigatay billoowga suuqa kala-iibsiga, xagaa aad u fiican ayay u tahay haddii ay hesho labo kale kahor waqtiga kama dambaysta ah e suuqa.


Ole Gunnar Solskjaer ayaa si kooban uga hadlay suuqa kala iibsiga ee Manchester United kaddib barbarihii saaxiibtinimo oo ay la galeen Brentford bartamihii isbuuca.

“Hore ayaan usoo orodnay, haddana waa inaan dhahaa waxaan u malaynayaa inaan ku jirno meel wanaagsan,” ayuu yiri.

Ed Woodward iyo kooxda kale ee suuqa kala iibsiga ee United ayaa dib uga shiri doona inay durba soo heleen laba ka mid ah bartilmaameedyadooda ugu sarreeya ee suuqa oo kala ah Jadon Sancho iyo Raphael Varane.

Balse waxay tahay inay sidoo kale lasoo saxiixdaan labo kale kahor inta aanu suuqa xirmin.

Maxaa U Xiga United?

Saxiixyo kasta oo suurtagal ah, oo kala ah khad-dhexe iyo daafac dambeedka middig ah ayaa weli ku jira ajandaha kooxda.

Kieran Trippier breaks silence on Manchester United transfer interest -  Manchester Evening News

United ayaa xiiso u qabta xiddiga Atletico Madrid ee Kieran Trippier laakiin United ayaa dooneysa inay bixiso wax ka yar £35 milyan qiimaha ay Athletico Madrid ku dooneeyso xiddigeeda.

Trippier ayaa lagu wadaa in loo keeno si uu tartan ula galo Aaron Wan-Bissaka oo ka ciyaara dambeedka-middig laakiin waa haddii lacag macquul ah la diyaariyo. Xitaa taasi waxay u badan tahay inay ku xirnaato qarashaadka laga helo cayaartooyda kooxda ka tegeysa.

Intaa kaddib waxaa jira su’aal ah xiddig qadka dhexe ah. Leon Goretzka ayaa lala xiriirinayay laakiin wuxuu weli u muuqdaa inuu Bayern Munich u saxiixi doono heshiis cusub. Qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa 2022 laakiin waxaa jira farqi dhaqaale oo u dhexeeya kooxda heysata horyaalka Jarmalka iyo wakiilada ciyaaryahanka taasoo ay United dooneeyso inay ka faa’iideeysato.

Bayern Munich's Leon Goretzka has torn thigh muscle, Euros could be in  doubt - Bavarian Football Works

Inkastoo ay xiiso u qabaan Eduardo Camavinga oo Rennes ka tirsan, haddana xiddigan ayaa la fahamsan yahay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Spain halkii uu kasoo aadi lahaa Ingiriiska.

Declan Rice ayaa si cad u ah ciyaartoy xiise ay u qabto United laakiin West Ham ayaa dalban doonta lacag aad u badan sidaas darteedna waxay u badan tahay inay in tahay in isaga iska dhaafaan maadaama saxiixiisa uu u baahan doono miisaaniyad kasta oo dheeri ah oo ay kooxdu heli karto xagaagan.

Waxaa jira cayaartoy badan oo ku jira liiska suurtagalka ah ee kooxda ka tegeysa kuwaas oo gacan ka geysan kara qarashaad badan waxaana xiddigaha la filan karo inay tagaan kamid ah Paul Pogba.

Pogba'dan anlamlı hareket - Son Dakika Haberleri

Xiddiga reer France ayaa galay sannadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa haatan, iyadoo wadahadalada ay la bilaabeen wakiilada Pogba, iyadoo xiddigan weli aanu qalinka ku duugin heshiis cusub.

Bishii December ee sannadkii hore, wakiilka Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in “macmiilkiisu uusan wax dan ah ka lahayn inuu saxiixo heshiis cusub.”

Haddii uu ka dhabeeyo hadalkiisii markaas uu yiri, United waxay leedahay go’aan ah inay samayso: lacag caddaan ah xagaagan ama ay halis ay gelisto inay ku weyso Pogba beeca xorta ah markii labaad ee xirfadiisa.

Paris Saint-Germain ayaa xiiseyneysa laakiin weli ma aysan soo gudbin dalab rasmi ah. United waxay aqbashay inaysan awoodi doonin inay soo ceshato dhammaan £89 milyan oo ay Pogba ku bixisay markii ay Juventus kasoo iibsanaysay si ay ugu soo celiso Old Trafford laakiin waxay rajaynaysaa inay iibkiisa ku hesho ugu yaraan £50 milyan haddii la helo cid daneyneysa.

Xiddigaha kale ee la filayo inay kooxda ka tagaan waxay kala yihiin Jesse Lingard, Andreas Perreira, Diego Dalot, Axel Tuanzebe.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona, Real Madrid & Juventus Oo Weli Ku Adkeysanaya E.Super League Iyadoo Maxkamad Ay Soo Dhoweysay Go’aankooda

Read Next

Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Lautaro Martinez Iyo Inter Oo U Jawaabtay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?