Dalabkii Man City Ee Grealish Oo La Aqbalayo Iyo Goorta Uu Caafimaadka Marayo Oo La Ogaaday

Dalabka Manchester City ee Jack Grealish ayaa la filayaa in la aqbali doono waxaana qadka dhexe ee xulka Ingiriiska lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka maro isbuuca soo socda.

Kooxda Cityzens lagu naaneeso ayaa si aad ah loola xiriirinayay kabtanka Aston Villa xagaaga oo dhan, wararkii ugu dambeeyay ayaana haatan sheegaya in kooxda heysata horyaalka Premier League-ga ay ku sii dhowaaneyso soo xero galinta bartilmaameedkeeda.

Grealish, waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay mid ka mid ah cayaartoydii ugu hal abuurka badnaa Premier League-ga, layaabna ma leh in Manchester City ay u aragtay Jack Grealish inuu yahay xiddiga dhab ahaantii horumarin kara kooxda, iyagun waxay diyaar u yihiin inay lacag rikoor u ah suuqa kala-iibsiga Britain ay kula soo wareegto.

Jack Grealish ayaa ku sugnaa Villa tan iyo lix jirkiisii, si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tilmaamaya in xiddiga Ingiriiska uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxdiisii carruurnimada.

Roy Hodgson confirms England in pursuit of Jack Grealish

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Manchester City ayaa u soo bandhigtay Aston Villa 100 milyan ginni oo ay ku dooneeyso saxiixa Jack Grealish waxaana la sheegay in kooxda Birmingham la filayo inay aqbasho dalabka City inkastoo ay kabtankeeda usoo bandhigtay qandaraas cusub.

Sky Sports ayaa xustay in iyadoo dalabka Manchester City aan weli si rasmi ah loo “aqbalin”, kooxdu ayaa diyaar u ah inay Grealish siiso doorashada inuu baxo amaba inuu sii joogo kooxda.

Haddii uu go’aansado inuu u dhaqaaqo Manchester, markaas lacagta lagu iibsanayo ayaa la micno noqon doonta in Grealish uu jabin doono rikoorkii Paul Pogba ee uu ku noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan Premier League markii uu adduun dhan 89 milyan oo ginni sannadkii 2016kii kaga soo wareegay kooxda Juventus oo uu usoo wareegay kooxdiisa haatan ee Manchester United.

Jack Grealish was once 'told off for smiling' by ex-Aston Villa boss Remi  Garde – 'He was the worst I played under', says Gabby Agbonlahor

Ka sokow warbixinnadaas, John Percy oo ka tirsan Telegraph ayaa xusay in Jack Grealish lagu wado inuu tijaabada caafimaadka u maro Manchester City horraanta toddobaadka dambe.

Arrimaha wareegista Jack Grealish ee Manchester City ayaa u muuqata inay si hagaagsan u socoto, haddii Grealish uu ku biiro kooxda, wuxuu noqon doonaa saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Rajadu ayaase ah in kaddib dhammaystirka heshiiskan Jack Grealish, saraakiisha Etihad ay markaas indhahooda u weecin doonaan bartilmaameedyadooda kale, iyadoo weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane si xooggan loola xiriirinayo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Lautaro Martinez Iyo Inter Oo U Jawaabtay

Read Next

Raul Jimenez Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay Taniyo Dhaawacii Halista Ahaa Ee Madaxa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?