Aston Villa Oo Heshiis La Gaartay Bartilmaameedkii Kooxa Badan Oo Waaweeyn (Miyey Heleen Beddelkii Grealish?)

Kaddib markii uu dhaliyay 39 gool 156 kulan oo uu saftay horyaalka Bundesliga, xiddiga u dhashay Jamaica ayaa ku sii jeeda cariga magaaladda Birmingham si uu noloshiisa cusub ee Premier League-ga halkaa uga billaabo.

Aston Villa ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto garabka xiisaha leh ee kooxda Bayer Leverkusen Leon Bailey kaddib markii ay kooxda Jarmalka la gaareen heshiis lagu sheegay qiyaastii 30 milyan oo ginni.

Inuu usoo dhaqaaqo horyaalka Premier League-ga ayaa in muddo ah laga dabawaday xiddigan 23 jirka ah, kaasoo afar sano iyo barkii ugu dambeeyay ku qaatay horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Heshiiska uu ugu Bailly ugu wareegayo kooxda Aston Villa ayaa hadda u muuqata inay qarka u saaran tahay in la dhammaystiro, iyada oo kaliya loo baahan yahay in xiddigan uu caafimaadka u maro kooxda Villans lagu naaneeso kahor inta aan heshiiska si rasmi ah loo shaacin.

Bailey ayaa loo soo bandhigay kooxaha Premier League-ga xagaagan kaddib markii Leverkusen ay ku guuldareysatay inay usoo baxo Champions League-ga.

Dhowr kamid ah kooxaha ugu waa weyn Ingiriiska, oo ay kamid yihiin Manchester City, Manchester United iyo Liverpool ayaa ku raad joogay xiddiga reer Jamaica xagaagii lasoo dhaafay, laakiin waxaa markaas la dulsaaray qiimo gaaraya 40 milyan oo ginni inkastoo Aston Villa ay xagaagan awoodday inay 30 milyan ku helaan adeegiisa.

Inkastoo Villa aysan weli si rasmi ah uga jawaabin dalabkii 100ka milyan oo ginni ee Manchester City ay ka gudbisay xiddiga reer Ingiriis ee Jack Grealish Jimcihii – haddana waxaa la fahamsan yahay inay hadda diyaar u yihiin inay u oggolaadaan kabtankooda inuu baxo maadaama Sky Sports ay aaminsantahay in ay heleen beddelkiisa( Bailly).

Waxay la macno tahay Grealish inuu hadda go’aansan doonno inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium ama uu aqbali doono heshiiska cusub ee kooxdiisa ay usoo bandhigtay.

Jack Grealish (PA)

Haddii uu go’aansado inuu ka tago kooxda wuxuu noqon doona saxiixa ugu weyn taariikhda kubbadda-cagta Ingiriiska.

Rikoorkii haatan waxaa heysta Paul Pogba oo mar kale Manchester United ugu soo biiray 89 milyan oo ginni oo uu kaga soo biiray Juventus sannadkii 2016kii.

Abdihakim Olad

Read Previous

Raul Jimenez Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay Taniyo Dhaawacii Halista Ahaa Ee Madaxa

Read Next

Leeds Oo ‘Si Dhab Ah’ U Dooneeysa Traore Oo Sidoo Kale Xiiso Ka Helaya Barcelona iyo Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?