Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Lautaro Martinez Iyo Inter Oo U Jawaabtay

Kooxda uu hoggaamiyo macalin Mikel Arteta ee Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez, sida ay qortay Sport Mediaset.

Sport Mediaset ayaa warineysa in Arsenal ay si aad ah u dooneeyso saxiixa weeraryahanka Inter ee Lautaro Martinez.

Gunners ayaa xiisaha ay u qabto weeraryahankan muujisay iyadoo ka gudbiyay dalabkii ugu horreeyay oo lagu sheegay 70 milyan oo yuuro una dhiganta 59.74 milyan oo ginni.

Si kastaba ha ahaatee, Inter oo ku guuleysatay horyaalka Serie A-da dalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore ayaa iska diiday dalabka u yimid 23 jirka reer Argentina.

Weeraryahanka laftiisa ayaa la sheegay inuusan dooneeynin u dhaqaaqista Arsenal.

Martinez ma xiiseynayo u dhaqaaqista Arsenal ama Premier League-ga labadaba sida ay qoreyso Sports Mediaset

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Racing Club ayaa doonaya inuu sii joogo Inter Milan, inkastoo dalabyo uga imaada Real Madrid, Barcelona ama Atletico Madrid ay beddeli karto maskaxdiisa.

Warar is dhaafsan ayay warbaahintu hadalhayaan, marka laga soo tago warbaahinta Sport Mediaset ee Talyaaniga kasoo baxda oo aaminsan in Martinez aanu xiiso u qabin Arsenal haddana warbaahinta Ingiriiska kasoo baxda ee The Athletic ayaa qabta fikir taa ka duwan.

The Athletic ayaa sidoo kale soo warisay xiisaha Arsenal ee Martinez balse warbixin ay maanta daabacday ayay ku sheegtay in Gunners ay mar hore wax ka weydiisay Inter arrimaha la xiriira Lautaro Martinez.

Waxay intaas ku dartay in weeraryahanka uu xiiseynayo u dhaqaaqista Arsenal haddii Inter ay diyaar u tahay inay iska iibiso.

Haddii Inter aysan dooneynin inay iibiso Martinez oo ciyaaryahanka laftiisa uusan ku qasbin inuu ka tago kooxda, markaas uma muuqato inay Arsenal heli doonto weeraryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa wali furan, wax badan ayaana dhici kara oo lama filaan noqon kara.

Martinez wuxuu dhaliyay 17 gool wuxuuna caawiyay lix gool horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna dhaliyay 14 gool seddex kalena wuu caawiyay xilli ciyaareedkii kasii horreeyay ee 2019-20.

Abdihakim Olad

Read Previous

Pogba Oo Baxaya, Trippier Oo Imanaya? – Maxaa United U Xiga Suuqa Kala-iibsiga Kaddib Saxiixyada Sancho Iyo Varane

Read Next

Dalabkii Man City Ee Grealish Oo La Aqbalayo Iyo Goorta Uu Caafimaadka Marayo Oo La Ogaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?