Arnorld Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Liverpool

Daafaca dambeedka-middig ayaa kusii joogi doona kooxdiisii carruurnimada heshiis soconaya ilaa 2025

Cayaaryahan Trent Alexander-Arnold ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Liverpool, sida ay kooxda shaacisay.

Heshiiska cusub ee daafaca ayaa socon doona ilaa sannadka 2025, taasoo kusii hayn doonta naadigiisa carruurnimada ilaa mustaqbalka muuqda.

Alexander-Arnold ayaa guud ahaan Liverpool u saftay 198 kulan tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka soo baxay akadeemiga kooxda wuxuuna dhaliyay 14 gool isagoo caawiye ka ahaa 48 kale halka 40 jeerna uu shabaqiisa ilaashaday.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man city Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Miiska U Saartay Aston Villa Oo Ay Ka Dooneeyso Jack Grealish

Read Next

Ben White Waa Kuma? Muxuuse Saxiixa Cusub Kusoo Kordhin Karaa Arsenal?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?