Rashford Oo Qaliin Garabka Ah Maraya Iyo Goorta Uu Garoomada Kusoo Laabanayo

Marcus Rashford ayaa mari doona qaliin dhanka garabka ah, iyadoo Manchester United ay rajeynayso inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo bisha October inta uu soo kabanaayo.

Rashford wuxuu ku ciyaarayay xanuun garabka ah tan iyo bishii Nofembar 2020, wuxuuna qaatay cirbaddi xanuun baabi’in ah si uu uga gudbo xilli ciyaareedka.

Wuxuu sii waday inuu ku ciyaaro xanuunkaas tartankii Euro 2020, kaddib tartanka, United waxay la kulantay go’aan ku saabsan waxa laga yeelayo isaga waxaana haatan la go’aansaday in qaliin looga sameeyo garabka xanuunanaya.

Rashford iyo United labaduba waxay ahaayeen kuwo taxaddar muujinayay maadaama aysan midkoodna rabin inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer. Laakiin waxaa haatan si weyn loo hadal hayaa inuu qaliin mari doono isbuuca soo socda, iyadoo la filayo inuu Rashford dib ugu soo laabto ciyaaraha bisha October ee dhammaadka sannadka.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mourinho Oo Aan Ku Faraxsaneen Qorshaha Roma Ay Ku Dooneeyso Saxiixa Xhaka

Read Next

Man city Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Miiska U Saartay Aston Villa Oo Ay Ka Dooneeyso Jack Grealish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?