Man city Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Miiska U Saartay Aston Villa Oo Ay Ka Dooneeyso Jack Grealish

Raadintii dheereeyd ee xagaaga Manchester City ee ku aaddan saxiixa Jack Grealish ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dalab £100 milyan ah ay City miiska u saartay Aston Villa si ay u hesho adeegga kabtankooda.

Pep Guardiola ayaa ah mid aad ula dhacsan Grealish wuxuuna ka dhigtay bartilmaameedkiisa ugu weyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan isaga iyo xiddiga Tottenham Harry Kane.

Xiisaha City ayaa si wanaagsan loo diiwaangeliyay, iyadoo 90min ay xaqiijisay Khamiistii in wadahadalada ay u socdaan Villa iyo City – iyadoo lagu kalsoon yahay in heshiis la gaari doono.

Waxaa laga yaabaa in arrimuhu hadda sii korodheen, iyadoo Telegraph ay soo warisay in dalab dhan £ 100 milyan – oo noqon doona rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska – laga gudbiyay xiddigan.

Haddii dalabku noqdo mid guuleysta waxay dhaafi doontaa kii Manchester United oo £89 milyan kula soo wareegtat Paul Pogba sannadkii 2016.

Arrimaha la xiriira in dalabka la aqbalay iyo in kale wararkeena xiga ayaan idiin kula wadaagi doonnaa insha allah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rashford Oo Qaliin Garabka Ah Maraya Iyo Goorta Uu Garoomada Kusoo Laabanayo

Read Next

Arnorld Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?