Rasmi: West Ham Oo La Wareegtay Goolhayihii PSG

Kooxda kubbada-cagta ee West Ham ayaa ku dhawaaqday saxiixa goolhaye Alphonso Areola oo ay amaah hal sano ah kaga soo qaateen kooxda PSG.

Heshiiska amaahda ah ee ay xiddigan kula soo wareegtay West Ham ayaa waxaa dheer ikhtiyaari ah inay mid joogto ah ka dhigi karto marka uu idleeysto mudadiisa.

Areola, oo ololihii 2019-20 amaah ku qaatay Real Madrid, ayaa joogay Fulham xilli ciyaareedkii hore laakiin waxba kama qaban karin markii ay kooxda Scott Parker hoos ugu dhaadhacday heerk 2aad Championship-ka.

Alphonse Areola on moving to Fulham: “It was a more difficult choice to  make.” | Get French Football News

28 jirkaan ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore, West Ham ayaana u dhaqaaqday saxiixiisay si ay ugusii heyso Premier League ugu yaraan xilli ciyaareed kale.

Areola, oo kamid ahaa xulkii Faransiiska ee Koobka Adduunka 2018, laakiin aan kasoo muuqan hal kulan oo ka tirsan koobkii koonka ee lagu qabtay Ruushka, ayaa u saxiixay kooxda reer London heshiis hal sano oo amaah ah, kaas oo sidoo kale u arka in Hammers ay haysato ikhtiyaar ah inay si joogto ah ula wareegto xill-cayaareedka xiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Leicester Oo Arsenal U Sheegtay Qiimaha Lagu Heli Karo Maddison

Read Next

Mourinho Oo Aan Ku Faraxsaneen Qorshaha Roma Ay Ku Dooneeyso Saxiixa Xhaka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?