Mbappe Oo Shaaca Ka Qaaday Riyadiisa Ugu Weyn Isagoo Dharbaaxo Kulul Ku Dhuftay Kooxaha Xiiseeynaya

Cayaaryahanka garabka uga cayaara kooxda PSG iyo xulka qaranka Faransiiska Kylian Mbappe ayaa shaaca ka qaaday waxa ay tahay riyadiisa ugu weyn xilli mustaqbalkiisa uu shaki ku jiro.

Kylian Mbappe ayaa sheegay in “riyadiisa ugu weyn” ay tahay inuu Champions League kula guuleysto Paris Saint-Germain-taasoo dharbaaxo weyn ku ah kooxda muddada dheer xiiseynaysay ee Real Madrid.

Sannadkii lasoo dhaafay, iyada oo ay jirto hubanti la’aan joogto ah oo ku saabsan xaaladda qandaraaskiisa Le Parc des Princes, Mbappe ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Laakiin wareysi uu siiyay majaladda naadiga PSG, weeraryahanka superstar -ka ah ayaa kaga hadlay riyadiisa, taasoo ah inuu kula guuleysto Champions League kooxda Ligue 1-ka mustaqbalka dhow – inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu doonayo inuu ka tago kooxda.

Kylian Mbappé Provides an Update on His Injured Ankle and Reflects on the Champions  League Final Loss - PSG Talk

Wareysi wada jir ah oo lagala qaaday Neymar, bishii May, labada nin ayaa la hadlay majaladda rasmiga ah ee PSG iyagoo ka hadlay arrimo ku saabsan yoolkooda mustaqbalka iyo rabitaankooda ciyaarta dhexdeeda.

Intii lagu guda jiray wareysiga , Mbappe wuxuu ku yiri Neymar: “Aad uma wanaagsani saxafi ahaan. Maxaan weydiin lahaa Neymar? Waa maxay riyadaada weyn ee adiga kaddib wax walba oo aad gaartay?”

Neymar ayaa ku jawaabay: “Riyadayda ugu weyn ee aan la leeyahay PSG waa inaan ku guuleysto Champions League iyo inaan Brazil la qaado Koobka Adduunka. Adigana, Kylian, ma tahay inaad ku guuleysato Champions League, sax?

Mbappe ayaa markaas qirtay inuu sidoo kale diyaar u yahay inuu dhadhamin doono sharafta Yurub ee PSG, isagoo yiri: “Riyadeyda ugu weyn ayaa ah inaan PSG kula guuleysto Champions League, taasi waxay noqon doontaa mid cajiib ah”.

PSG star Kylian Mbappe talks upcoming Champions League tie vs. Bayern  Munich - Bavarian Football Works

Inkastoo Neymar uu Barcelona kula guuleystay Champions League sannadkii 2015, Mbappe waligiis kuma guuleysan tartanka xiisaha badan ee Yurub.

Waxaa aad loo hadal hayey mustaqbalka Mbappe maadaama qandaraaskiisa PSG uu uga harsan yahay kaliya hal sano, laakiin waxay u muuqataa inuu sii joogi doono Faransiiska, ugu yaraan sannad kale.

Xiisaha Mbappe ee ku guuleeysiga Champions League-ga ma ahan wax la yaab leh, gaar ahaan kaddib markii xiddiga Faransiiska uu dhaliyay 42 gool oo cajiib ah 11 kalena caawiyey 47 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkii hore.

Weeraryahanka 22 jirka ah, oo si weyn loogu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican adduunka, ayaa dad badani u maleeyeen inuu yahay ciyaaryahanka xiga ee ugu fiican adduunka kaddib marka ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ugu dambeyn ka fariistaan cayaarista kubbada-cagta.

Abdihakim Olad

Read Previous

West Ham Oo Qarka U Saaran Inay Alphonso Areola Kala Soo Wareegto PSG

Read Next

Leicester Oo Arsenal U Sheegtay Qiimaha Lagu Heli Karo Maddison

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?