Leicester Oo Arsenal U Sheegtay Qiimaha Lagu Heli Karo Maddison

Kooxda Leicester ayaa la filayaa inay kaliya tixgaliso dalabyo ka badan 70 milyan oo ginni xagaagan si ay u iibiso qadka dhexe ee weerarka James Maddison, kaasoo ah ciyaaryahan ay Arsenal xiiseyneyso.

Maddison ayaa qandaraas waqti dheer ah kula jira Foxes ilaa 2024 oo uu kaliya saxiixay xagaagii hore, taasoo la micno ah in Leicester aysan saarneyn wax cadaadis ah oo ku aaddan inay iibiso xiddigeeda ilaa dalabku uu ka noqonayo mid aad u fiican oo ay adagtahay in la diido.

Arsenal waxay ku jirtaa dib-u-habeyn weyn oo kooxda ah waxayna 90min shaaca ka qaadday bartamihii Juun in laba qadka dhexe ah, daafac buuxa, daafac dhexe iyo goolhaye ay yihiin boosaska mudnaanta u leh Gunners, iyadoo Maddison la xaqiijiyay inuu ka mid yahay bartilmaameedyadooda suuqa.

Gunners ayaa durbaba lasoo saxiixatay cayaaryahanka khadka-dhexe ee Albert Sambu Lokonga oo ay kala soo wareegeen kooxda Anderlecht waxaasi kasii horreeyay Dambeedka-biddix ee Nuno Tavares oo Benfica ugasoo wareegay waxaana tababare Mikel Arteta uu indhaha ku hayaa inuu weli kooxdiisa sii xoojiyo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Shaaca Ka Qaaday Riyadiisa Ugu Weyn Isagoo Dharbaaxo Kulul Ku Dhuftay Kooxaha Xiiseeynaya

Read Next

Rasmi: West Ham Oo La Wareegtay Goolhayihii PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?