Christian Eriksen Oo Qarka U Saaran Inuu Garoomada Kusoo Laabto

Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku laabto kooxdiisa Inter Milan isbuuca soo socda si uu tijaabooyin u maro kaddib markii uu wadnuhu istaagay billoowgii tartankii Euro 2020.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Denmark ayaa ka yaabiyay dunida kubbadda cagta markii uu dhulka ku dhacay intii lagu guda jiray ciyaartii furitaanka ee Euro 2020, iyadoo arrintaasi tallaabo degdeg ah ay ka qaadeen kooxda caafimaadka oo fure u ahayd badbaadinta noloshiisa.

Eriksen si fiican ayuu u bogsaday tan iyo markaas, laakiin waa la arki doonaa haddii uu si dhab ah u sii wadan karo cayaarista kubbadda-cagta heerka ugu sarreeya.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Eriksen ayaa haatan diyaar u ah tijaabooyinka Inter maadaama ay ka shaqeynayaan haddii uu kusoo laaban karo u cayaarista kooxda.

Qof walba wuxuu u rajeynayaa 29-jirkan inuu bogsasho dhammeeystiran helo, in kasta oo dabcan waxa ugu muhiimsan ay tahay inuu weli nool yahay oo caafimaad qabo kaddib dhacdadii naxdinta lahayd ee horaantii xagaaga.

Eriksen ayaa Inter kaga soo biiray Tottenham bishii Janaayo 2020, kaddib markii uu waayo quruxbadan kusoo qaatay Premier League-ga.

Abdihakim Olad

Read Previous

SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kala-iibsiga Cayaartooyda

Read Next

West Ham Oo Qarka U Saaran Inay Alphonso Areola Kala Soo Wareegto PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?