Arsenal Oo Bellerin Ku Beddeleneysa Lautaro

Kooxda kubbada-cagta Arsenal ayaa maskaxda ku heysa in ganacsi isdhaafsi cayaartooy ah ay la sameeyso kooxda Inter Milan.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay Inter usoo bandhigto Hector Bellerin oo qeyb ka ah dadaalka ay ugu jiraan inay Lautaro Martinez kala soo wareegaan, sidaas waxaa qortay Football Insider.

Gunners ma awoodo inay gaarto qiimaynta Inter ee Martinez, laakiin waxay rumaysan yihiin in haddii ay usoo bandhigaan Bellerin ay ka bixin karto qiimaha qaar.

Daafaca reer Spain ayaa hoos u dhac ku yimid intii uu Mikel Arteta tababara ka ahaa kooxda Waqooyiga London waxaana xagaagan Gunners ay qorsheyneysaa inay iska iibiso.

Dhanka kale Inter ayaa u aragta Bellerin beddelka saxda ah ee Achraf Hakimi kaasoo ku biiray kooxda Faransiiska ee Paris Saint Germain.

Dhanka Martinez wuxuu ka caawiyay Nerazzurri hanashada horyaalka Serie A wuxuuna door muhiim ah ka qaatay guushii Argentina ee 2021 ee Copa America.

Abdihakim Olad

Read Previous

Liverpool Oo Dalab Ka Gudbineysa Saul

Read Next

SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kala-iibsiga Cayaartooyda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?