Manchester City Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbineysa Grealish

Kooxda Manchester City ayaa dalabkii ugu horreeyay ee iskudaygeeda helitaanka Jack Grealish u gudbineysa kooxda Aston Villa.

Dalabka ayaa ah dalab dhan sida la sheegay 75 milyan oo ginni, si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegayaa inay Aston Villa xiddigeeda ku dooneyso wax ka badan 100 milyan oo ginni.

Manchester City ayaa markii ugu horreysay dalab rasmi ah ka gudbin doonta xiddiga Aston Villa Jack Grealish, iyadoo haataan loo diyaarinayo qarashaadka aan idiin sheegnay ee 75 milyan oo ginni ah, sida ay qortay Daily Mail.

Inkasta oo dalabku uu sidoo kale yeelan doono qodobo dheeraad ah, Villa ayaa la sheegayaa inay ku haynayso ugu yaraan 100 milyan oo ginni – waxayna Grealish ka dhigi doontaa dalab weyn oo uu 150,000-toddobaadkii ku qaadanayo.

Grealish wuxuu bartilmaameed u ahaa City muddo dheer, isagoo wacdaro ka dhigay Premier League labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay waxaase sidoo kale indhaha la raacaya kooxo badan oo reer Yurub ah sida Manchester United, Arsenal iyo Chelsea.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Kounde Dhaafsaneysa Zouma

Read Next

Liverpool Oo Dalab Ka Gudbineysa Saul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?