Liverpool Oo Dalab Ka Gudbineysa Saul

Kooxda kubbada-cagta Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez.

Liverpool ayaa 26 jirkan ku raadjoogtay muddooyinkii u dambeeyay waxayna dooneeysa inay xal uga dhigto booskii khadka-dhexe ee uu baneeyay cayaaryahan Giorginio Wijnaldum kaasoo kooxda Merseyside-ka si xor ah kaga biiray kooxda PSG.

Liverpool ayaa dooneeysa inay Saul Niguez ka gudbiso dalab cusub oo 41 milyan ah iyadooo isha ku heysa inay xiddigan ka dhigto saxiixeeda 2-aad ee suuqa xagaagan kaddib markii ay waa hore soo xerogeliyeen daafac Ibrahima Konate oo ay kala soo wareegeen kooxda RB Liepzig.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester City Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbineysa Grealish

Read Next

Arsenal Oo Bellerin Ku Beddeleneysa Lautaro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?