Chelsea Oo Kounde Dhaafsaneysa Zouma

Kooxda kubbada-cagta Chelsea ayaa ku fikireysa in daafaceeda Kurt Zouma ay heshiis isdhaafsi ah ku hesho daafaca kooxda Sevilla Jules Kounde sida wararku ay tibaaxayaan.

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Sevilla oo ku aaddan saxiixa daafac Jules Kounde – waxaana laga yaabaa inay heshiiska ku darto Kurt Zouma si is dhaafsi ahaan ah, Goal ayaa xaqiijineysa.

Kounde ayaa diyaar u ah inuu ku biiro Blues, laakiin Sevilla kaliya waxay ku iibin laheyd qiimaha saxda ah iyadoo horeyba lacag uga heshay iibkii Bryan Gil ee Tottenham.

22 jirkaan ayaa ku soo bilaawday kooxda Sevilla 33 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore, isagoo boos ka helay xulka Faransiiska tartankii Euro 2020.

Waxaa loo arkaa nooc daafac casriga ah – oo xirfad ku filan u leh kubbada si uu ugu cayaaro bartamaha iyo dhinacyada labadaba, isla markaana awood u leh inuu si dhaqso leh u bilaabo weerarada deg-deg ah ( Counter-attacks) isagoo horay uqaadaya ama keenaya baasas wax ku ool ah.

Kounde ayaa ugu qeybaha dhexe ee daafaca uga cayaara koooxda Sevilla, si kastaba ha ahaatee waxaa loo adeegsaday daafaca middig ahaan markii ugu horreysay ee uu ku bilolwday Euro 2020 oo uu metalayay xulkiisa Faransiiska.

Ciyaaryahanka ayaa lala xiriirinayay kooxo badan oo Premier League ah xagaagan iyadoo loolanka loogu jiro qabashada Manchester City ee horyaalka ay sii xoogeysatay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kepa Oo Tababare Sarri Ka Raaligeliyay Markii Uu Diiday Inuu Garoonka Ka Baxo

Read Next

Manchester City Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbineysa Grealish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?