Tijaabada Caafimaad Oo Keliya Ayaa U Harsan Raphael Varane Si Uu Ugu Biiro Manchester United

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United kaddib markii labada kooxood ay heshiis ka gaareen 28 jirkaan xilli-dambe oo Isniintii ah.

Manchester United ayaa heshiis ka gaartay daafac Raphael Varane, Sida ay Goal sheegeyso.

Waxaa la fahansan yahay in labada naadi ay heshiis of 41 milyan oo ginni ah ay ka gaareen daafacan waxaana la filayaa inuu dhammeystiro ku biiristiisa Red Devils kaddib tijaabada caafimaadka.

Heshiiska Varane uu ugu wareegayo Manchester United oo ay keliya ka dhimantahay inuu maro tijaabada caafimaad ayaa si kastaba waxaa jira soo jeedino sheegaya in xiddigan uu karantiil 14 cisho ah geli doono maadaama uu saameeyn karo xayiraadaha dadka u safraya dalka UK.

28 jirkaan ayay kaliya hal sano uga harsanayd qandaraaskiisa Madrid waxaana uu caddeeyay inuusan xiiseyneynin inuu saxiixo heshiis cusub maadaama uu xiiseynayay tartan cusub oo uu ka billaabo magaalada Manchester. Iyadoo taas maanka lagu hayo, kooxda ka dhisan La Liga ayaa go’aansatay inay lacag kaash hesho halkii ay beeca xorta ah ku lumin lahayd xagaaga dambe.

Varane wuxuu noqon doonaa saxiixa labaad ee ugu weyn ee United xagaagan kaddib imaatinka Jadon Sancho, kaasoo United ay heshiis la gashay horraantii bishan oo ay kula saxiixatay 73 milyan oo ginni.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ronaldo Oo Tababarka Juve Kusoo Laabtay Kaddib Xantii Ahayd Inuu Ka Tegayo Kooxda

Read Next

Kepa Oo Tababare Sarri Ka Raaligeliyay Markii Uu Diiday Inuu Garoonka Ka Baxo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?