Ronaldo Oo Tababarka Juve Kusoo Laabtay Kaddib Xantii Ahayd Inuu Ka Tegayo Kooxda

Superstar-ka reer Portugal ayaa galay sannadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Italy, laakiin bixitaan kuma jiro qorshooyinkiisa haatan.

Cristiano Ronaldo ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda Juventus xilli xagaagii la hadal hayay arrimo kusaabsan mustaqbalkiisa kooxda iyadoo xitaa lasoo jeediyay inuu raadin ugu jiro kooxdiisa xigta.

36 jirkaan ayaa dib u dhac ku yimid inuu xilli hore kusoo biiro kooxdiisa Juventus ololahooda Isku-diyaarinta xilli-cayaareedka 2021-2022 kaddib markii uu xulkiisa Portugal ku metalay Euro 2020. balse xiddigan ayaa maanta si rasmi ah ugasoo qeybqaatay tababarkii kooxdiisa waxaana ay kaamiraduhu qabteen isagoo sawiro la gelaya islamarkaana u saxeexaya taageerayaashiisa.

Su’aalaha ayaa la iska weydiin jiray kahor inta lagu gudajiray iyo kaddib koobka Qaramada Yurub taasoo ku aaddan halka uu xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or uu ka ciyaari doono kubbada cagta sannad cayaareedka 2021-22 – laakiin wuxuu ku laabtay Italy waxaana haatan meesha laga saari karaa inkastoo aan la hubin suurtagalnimada uu kooxda Juve uga tegayo xagaagan maadaama weli uu suuqa kala-iibsiga cayaartooyda furanyahay.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Inaan Kooxdiisa Ka Tirsanahay Xitaa Ma Oga” – Pedro Porro Oo Guardiola Ku Dhaleeceeyay Arrin Qariib Ah

Read Next

Tijaabada Caafimaad Oo Keliya Ayaa U Harsan Raphael Varane Si Uu Ugu Biiro Manchester United

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?