Rasmi: Liverpool Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Conor Bradley

Kooxda kubbada-cagta ee Liverpool ayaa goordhow boggeeda rasmiga ah ku shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixdeen da’yarkooda akaadeemiga ee Conor Bradley.

18 jirkaan ayaa Reds kaga soo biiray kooxda Dungannon United sannadii 2019 wuxuuna tan iyo markaas si adag isku dhex taagay iskuulka akadeemiyada ee kooxda.

Kaddib markii uu u yimid inuu noqdo ciyaaryahan weerar ah, Bradley waxaa si dhaqso leh loogu beddelay daafac middig oo leh awood uu horey ugu socon karo.

Boyhood dreams achieved for proud Morton and Bradley - Liverpool FC

Wuxuu inta badan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay la qaatay kooxda Barry Lewtas ee 23 jirrada, isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League heerka 2 kulan uu ka horyimid West Ham United bishii Maarso, sidoo kale wuxuu ka soo ciyaaray kooxdii 18 jirrada ee Marc Bridge-Wilkinson taas oo ka gaartay ilaa FA Cup fiinaalka.

Waqti xaadirkan xiddigan ayaa Austria kula sugan kooxda macalin Jurgen Klopp ee isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub, Bradley wuxuu ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee Reds ay wajaheen kooxda VfB Stuttgart isbuucii hore.

Introducing Conor Bradley, the Co Tyrone teen tipped for the top - Belfast  Live

Xiddigan wuxuu muddo dheer oo ka mid ahaa dhalinyarada xulka Waqooyiga Ireland, waxaana abaalmarintiisii ugu horeysay ee heer caalami ah la siisay bishii May kulan ay wajaheen xulka Malta.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo £225 Milyan U Diyaarsatay Kane iyo Grealish

Read Next

RASMI: Tottenham Oo Erik Lamela + Lacag Kusoo Iibsatay Bryan Gil ( Waa Kuma Xiddigan?)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?