Napoli iyo Lazio Oo 15 Milyan Ku Doonaya Shaqiri

Xiddiga reer Switzerland ayaa doonaya inuu ka tago kooxda ku cayaarta garoonka Anfield isagoo raadinaya cayaaris joogto ah xagaagan, iyadoo horumaro la filayo isbuucan.


Garabka lugta biddix ku xamaasha ee kooxda Liverpool Xherdan Shaqiri ayaa u muuqda mid ka tagaya naadiga Reds xagaagan, iyadoo Napoli iyo Lazio ay ka mid yihiin kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Switzerland.

Labada naadi ee Serie A ka dhisan, ayaa la rumeysanyahay inay la xiriireen wakiillada 29-jirka kaddib bandhigyadiisii wacnaa ee Euro 2020, labaduba waxay isha ku hayaan inay heshiis la gaaraan xiddigan kahor dhammaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Labada kooxood ayaa diyaar la ah sida la fahansanyahay qiimaha 15ka milyan oo ginni ee xiddigan lagu qiimeeyo haatan waxaana todobaadkan la filayaa in horumaro ay kasoo kordhaan xaaladiisa.

Si kastaba ha noqotee, waxay u badan tahay inay tartan kala kulmaan horyaalka La Liga, halkaasoo Sevilla iyo Villarreal ay ka mid yihiin kooxaha doonaya saxiixa xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

John Terry Oo Ka Tegay Shaqadii Aston Villa

Read Next

Tuchel: “Qaar Ayaa Raba Inay Baxaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?