Manchester United Oo Meel Wanaagsan Marsiineeysa Wadahadalada Varane

Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Ole Gunnar Solskjaer maadaama uu doonayo inuu xoojiyo safkiisa kahor xilli ciyaareedka cusub.

Manchester United ayay kalsoonidu kusii kordheysaa si ay heshiis uga gaarto saxiixa daafaca Real Madrid Raphael Varane kaddib wadahadalo wanaagsan oo ay yeesheen kooxda Los Blancos todobaadkan.

Daafaca dhexe ayaa ah bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Ole Gunnar Solskjaer isaga oo doonaya in uu xoojiyo safkiisa daafaca waxaana la rumeysanyahay in ay jiraan wadahadalo maalmihii ugu dambeeyay meel wanaagsan u maraya labada dhinac oo ku saabsan heshiiska shaqsiga ah iyo lacagta lagu kala iibsanayo xiddigan.

Haddii xiddiga caalamiga ah ee Faransiiska uu u saxiixo United waxa uu noqonayaa saxiixii labaad ee ugu weynaa xagaagan ee Man United kaddib markii ay Jadon Sancho kala soo wareegeen kooxda Borussia Dortmund.

Abdihakim Olad

Read Previous

Liverpool Oo Laga Soo Diiday Dalab 100 milyan Oo Ay Ka Gudbisay Chiesa

Read Next

John Terry Oo Ka Tegay Shaqadii Aston Villa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?