John Terry Oo Ka Tegay Shaqadii Aston Villa

40 jirkaan ayaa aaminsan in “haatan ay tahay waqtigii saxda ahaa” ee uu ugu dhaqaaqi lahaa tartan cusub kaddib markii uu seddexdii sano ee ugu dambeysay ku qaatay Villa Park.

Daafacii hore ee Chelsea iyo xulka Ingiriiska ee John Terry ayaa ka tagay shaqadiisii tababare ku-xigeen ee kooxda Aston Villa.

Terry ayaa kusoo biiray Villa si uu tababare Dean Smith ugu noqdo nambarka 2aad ee gacanyaraha kaddib markii uu xirfadiisa ciyaareed kusoo qaatay kooxda sannadkii 2018, waxaana uu ka caawiyay inay ku guuleystaan dib ugu soo laabashadooda Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kubbada-cagta tababarenimo.

Libaaxyada ayaa tan iyo markii ay dib ugusoo laabteen horyaalka heerka koowaad, ku dhameystay meel ka baxsan tobanka ugu sarreysa ololihii ugu dambeeyay ee 2020-21, laakiin Terry ayaa haatan diyaar u ah inuu raadsado shaqo cusub oo uu ku noqonayo tababaraha 1aad ee koox.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester United Oo Meel Wanaagsan Marsiineeysa Wadahadalada Varane

Read Next

Napoli iyo Lazio Oo 15 Milyan Ku Doonaya Shaqiri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?