Solskjaer Oo Heshiis Cusub U Saxiixay United

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxda saxiixay qandaraas cusub oo seddex sano ah, kooxda ka dhisan Premier League-ga ayaa ku dhawaaqday maanta oo Sabti ah.

Kooxda Solskjaer ee United ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee iyagoo ka dambeeyay keliya Manchester City xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Premier League waxayna gaareen finalka Europa League, iyadoo kooxda Villarreal ay uga adkaatay goolal 11-10 rigoorayaal ah.

United ayaa xaqiijisay in heshiiska cusub ee tababaraha reer Norway uu ku jiro ikhtiyaari sannad kale oo dheeri ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hal sano uga harsanaa qandaraaskiisii hore ee Manchester United laakiin wuxuu haatan heystaa ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ryan Giggs Oo Loo Heysto Inuu Iyadoo Qaawan Saaxiibtii Ka Laaday Qolka Hotelkiisa

Read Next

Rasmi: Tottenham Oo La Wareegtay Cayaaryahankii Hore Ee Manchester United

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?