Ryan Giggs Oo Loo Heysto Inuu Iyadoo Qaawan Saaxiibtii Ka Laaday Qolka Hotelkiisa

Waynu ogeyn in Ryan Giggs uu wajahayo eedeymo culus markii uu awoodi waayay inuu qabto xilka tababarenimo ee xulka Wales tartankii Euro 2020, laakiin qaar kamid ah faahfaahinada arrintaas ayaa noqday kuwo fadeexo leh kaddib markii ay maxkamadda kasoo ifbaxeen.

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ayaa hadda loo maxkamadeeyay dambiyo kala duwan, laakiin tan ugu daran eedeymaha ayaa ku xeeran inuu saaxiibtiisii hore kula kacay kontorool iyo dhaqamo qasabka iyo xadgudub ah intii u dhaxeysay Ogosto 2017 iyo November 2020.

Warbixin kasoo baxday Times ayaa shaaca ka qaadday qaar ka mid ah faahfaahinada maxkamadda lagusoo bandhigay, mid ka mid ah waxyaabaha ugu walwalka badan ayaa ah in lagu eedeeyay inuu madaxa ku hirtiyay saaxiibtiisii hore kahor inta uusan ka laadin qolkooda hoteelka iyadoo qaawan.

Eedeysanaha wuxuu soo bandhigay qirasho ah in aanu dambi lahayn waxayna u egtahay in ciqaabta maxkamadeynta ay sii socon doonto ilaa horraanta sannadka soo aaddan, laakiin waxaad hubin kartaa inuu la kulmi doono cawaaqib xumo daran haddii eedeymahan la caddeeyo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xulka Jarmalka Oo Garoonka Isaga Baxay Kulankii Hondurus

Read Next

Solskjaer Oo Heshiis Cusub U Saxiixay United

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?