Rasmi: Tottenham Oo La Wareegtay Cayaaryahankii Hore Ee Manchester United

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa goolhayaha kooxda Atalanta Pierluigi Gollini kula saxiixatay heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah, iyadoo ay dheertahay ikhtiyaar loogu beddeli karo heshiis joogto ah.

26 jirkaan ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee xagaaga ee kooxda wuxuuna kula tartami doonaa Hugo Lloris nambarka koowaad ee kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Gollini wuxuu ka mid ahaa da’yartii kooxda Manchester United oo wuxuu ka cayaari jiray akaadeemiga kooxda wuxuuna sidoo kale 20 jeer u ciyaaray kooxda Aston Villa sannad-cayaareedkii 2016/17.

Waxa uu ku qaatay afar sano iyo bar cajiib ah kooxda Atalanta, isagoo u ciyaaray 108 jeer tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 10 Champions League-ga ah xilli ciyaareedyadii dhowaa.

Spurs ayaa baadi goob ugu jirtay xoojinta waaxda goolhayeyaasha, iyadoo Paulo Gazzaniga uu ka tagay kooxda dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, Joe Hart ayaana loo sheegay inuusan qeyb ka aheyn qorshaha tababaraha cusub ee Nuno Espirito Santo.

Gollini ayaa loo arki doonaa inuu yahay ninka dhaxli doona maaliyada koowaad ee Spurs, haddii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo inta lagu jiro ololaha 2021/22. iyadoo Lloris uu qandaraaskiisa dhacayo xagaaga soo aaddan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Solskjaer Oo Heshiis Cusub U Saxiixay United

Read Next

Aldeweireld Oo Qatar Ku Wajahan Si Uu Ugu Biiro Kooxda Al-Duhail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?