Liverpool Oo Laga Soo Diiday Dalab 100 milyan Oo Ay Ka Gudbisay Chiesa

Kooxda kubbada-cagta ee Liverpool ayaa ku guuldarreysatay isku-daygii ay ku dooneeysay cayaaryahanka garabka uga cayaara kooxda Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Federico Chiesa.

Wargays la yiraahdo Repubblica ayaa warinaya in Liverpool ay 100 milyan oo yuuro ku dalbatay garabka kooxda Juventus Federico Chiesa kaasoo ay aragtay in lagasoo diido.

Chiesa ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Juve 2020/21, isagoo dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan wuxuuna ku kasbaday wicitaan caalami isagoo doorkiisii xulka Talyaaniga ee Euro 2020 uu ahaa mid aad u weyn.

Ciyaaryahankan ayaa qeyb weyn ka qaatay guushii dalkiisa ee Euro 2020 waxaana haatan doon-doonaya kooxaha waa weyn ee Premier League.

Chelsea ayaa lagu qiimeeyaa xiisaha ay u qabto 23 jirkaan, kaasoo xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Fiorentina. Si kastaba ha ahaatee, warbixinta kasoo baxday wargey Talyaani ah oo la yiraahdo La Repubblica ayaa lagus sheegay in Liverpool ay sidoo kale la xiriirtay weeraryahanka iyagoo dalab ay ka gudbiyeenna lagasoo diiday.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Raadis Ugu Jirta Cid Ka Iibsata Timo Werner Iyo Kooxda Uu Doonaya Inuu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Read Next

Manchester United Oo Meel Wanaagsan Marsiineeysa Wadahadalada Varane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?