Aldeweireld Oo Qatar Ku Wajahan Si Uu Ugu Biiro Kooxda Al-Duhail

Wargeyska Telegraph ayaa warinaya in daafaca dhexe ee reer Belguim Toby Alderweireld uu ku sii jeedo horyaalka Qatar si uu ula saxiixdo kooxda halkaas ka cayaarta ee Al-Duhail waxaana Tottenham ay heleysaa 13 milyan oo yuuro oo iibkiisa ku aaddan.

Telegraph ayaa sidoo kale baahisay in Alderweireld uu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda ka dhisan Qatar isla markaana talaabadan ay timid kaddib markii cayaaryahankan uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxdaasi islamarkaana uu u duulayo Bariga Dhexe si uu u dhammeystiro tijaabada caafimaadka.

32 jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa kooxda joogay lix xilli ciyaareed kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid sannadkii 2015.

Spurs ayaa isku dayaysa inay ka xaajooto heshiis ay kula soo wareegeeyso daafaca Atalanta Cristian Romero iyadoo tababaraha cusub ee kooxda Nuno Espirito Santo uu doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo daafacyadiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rasmi: Tottenham Oo La Wareegtay Cayaaryahankii Hore Ee Manchester United

Read Next

Chelsea Oo Raadis Ugu Jirta Cid Ka Iibsata Timo Werner Iyo Kooxda Uu Doonaya Inuu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?