RASMI: Olivier Giroud Oo Ku Biiray AC Milan

Weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud ayaa dhameystiray heshiis 2 milyan oo ginni ah oo uu ugu biirayo AC Milan, kaddib markii labada kooxoodba ay xaqiijiyeen.

34 jirkaan ayaa xiran doona maaliyadda No.9 ee kooxda Rossoneri waxaana la fahamsan yahay inuu saxiixay heshiis labo sano ah oo uu kula joogayo kooxda ka ciyaarta Serie A-da Talyaaniga, xilli Giroud uu dhammeystiray tijaabadiisa caafimaad jimcihii.

Talaabadan ayaa calaamad u ah dhammaadka waayihii weeraryahanka ee Stamford Bridge, halkaasoo uu saftay 119 kulan tartamada oo dhan muddo afar sano ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Brighton Oo Aqbashay Dalabkii Arsenal Ee White

Read Next

TOOS: Geeska Afrika vs Heegan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?