Brighton Oo Aqbashay Dalabkii Arsenal Ee White

Kooxda kubadda-cagta Arsenal ayaa ku sii dhowaaneysa saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Ben White kaddib markii ay dalab ka aqbashay Brighton oo ku aadan daafacan dhexe.

Gunners ayaa wadahadalo kula jirtay Seagulls muddo toddobaadyo ah oo ku saabsan 23 jirkaan, waxaana ay durbaba arkeen labo dalab oo laga diiday balse dalabkoodii ugu dambeeyay waa laga aqbalay.

Horumar laga gaadhay wadahadaladii jimcihii ayaa lagu aqbalay dalab dhan 50 milyan oo yuuro, iyadoo Arsenal haatan la siiyay ogolaansho ay ku dhameystiri karto heshiiska ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ingiriiska.

Balse Gunners ayaa dhameystiri doonta saxiixa xiddiga Ingiriiska marka uu ka soo laabto fasaxa uu qaadanayo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Oo Dooneysa Mohamed Salah Iyo Wararka Kale Ee Suuqa

Read Next

RASMI: Olivier Giroud Oo Ku Biiray AC Milan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?