XAN: Liverpool Oo Isaga Hartay Niguez Iyo Barca Oo Qorsho Weyn Ka Damacsan

Kooxda Liverpool ayaan ku jirin tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid xagaagan, iyadoo u dhaqaaqista Barcelona ay haatan u muuqato inay u badan tahay, sida ay fahamsan tahay CaughtOffside.

Wakiiladda ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa ka shaqeynaya heshiiska si uu ugu dhaqaaqayo Barcelona, iyadoo Antoine Griezmann ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo dhanka kale isla markaana uu ku laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, inkastoo heshiiska uusan haatan aad u horumarsaneyn.

Xilli ay jiraan warar la isla dhexmarayo warbaahinta oo sheegaya in Liverpool ay u badantahay inay noqoto meesha xigta ee Niguez uu caga dhiganayo, hadana CaughtOffside ayaa fahansan in aysan haatan jirin wax xiiso ah oo ay Reds ay ka qabto raadinta xiddigan, iyadoo ciyaaryahanka ay u badan tahay inuu baaqi ku sii ahaado Horyaalka La Liga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arjen Robben Oo Markii Labaad Ka Fadhiisanaya Kubadda-cagta

Read Next

Real Madrid Oo Dooneysa Mohamed Salah Iyo Wararka Kale Ee Suuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?