Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Xiddigii Wacdaraha Ka Dhigay Euro 2020 Ee Nicolo Barella

Kooxda kubadda-cagta Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay dalab layaableh ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Milan iyo xulka qaranka Talyaaniga Nicolo Barella suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxaha Ingiriiska waxay usoo dhigteen xiddigii ugu wanaagsanaa Talyaaniga tartankii Euro ee dhowaan idlaaday maadaama Barella saaxiibkiis Chiesa sidoo kale aan idiinsoo warinay inuu xiiso ka helayo kooxda Chelsea.

Barella ayaa wacdaro dhigay intii lagu gudajiray Koobkii Qaramada Yurub ee xagaagan, Waxa uuna xiddigan door muhiim ah ka ciyaaray guulihii Talyaaniga ee tartanka oo dhan taasoo u sahashay inay Ingiriiska kaga guuleeystaan rigoorayaal finalkii Euro 2020.

Xiddigan waxa ay u ahayd xilli wanaagsan oo uu xulkiisa metalo kaddib markii 24 jirkan oo qaab-cayaareed duulaya ku jira uu kooxdiisa Inter Milan kula guuleystay Serie A xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay – haatanna Liverpool ayaa la sheegayaa inay ku dhowdahay saxiixiisa la raadinayo.

Xiddigan khadka-dhexe ee cajiibka ah ayaa ciyaaray lix ka mid ah todobadii kulan ee dalkiisa uu ciyaaray Koobka Qaramada Yurub, waxaana uu seegay kaliya labo kulan oo ay cayaareen kooxdiisa Inter horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore.

Photo - Inter Congratulate Nicolo Barella & Alessandro Bastoni On EURO 2020  Win

Laakiin mustaqbalkiisa kooxda Inter weli ma cadda, iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay soo food saartay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay cudurka faafa ee coronavirus.

Sida laga soo xigtay wargayska la Repubblica, Reds ayaa ka mid ah kooxaha miiska soo saari kara dalab ay ka gudbinayaan Barella – waxaana la sheegay inuu yahay dalab dhan 60 milyan oo euro taasoo ay ku adkaan doonto kooxda reer Talyaani inay iska diidaan, gaar ahaan marka loo fiiriyo dhaqaala xumadooda.

Haddi ay gudbiyaan dalabkaas oo laga aqbalo waxay ka dhigeysa Barella inuu noqdo xiddiga seddexaad ee ugu qaalisan kooxda Liverpool, kaddib kaliya goolhaye Alisson Becker iyo daafac Virgil van Dijk.

Liverpool wali waxay heysataa xulashooyin badan khadka dhexe ah, laakiin wali ma cadda in Jurgen Klopp uu si buuxda ugu kalsoonyahay xiddigo ay kamid yihiin Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Xilii Inter ay ku jirto xaalad dhaqaale oo adag, Liverpool ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay tijaabiso go’aankeeda oo ay xiddigan u dhaqaaqdo goor dhow.

Abdihakim Olad

Read Previous

4 Ruux Oo Loo Xirxiray Cunsuriyad Ka Dhan Ah Sancho, Rashford iyo Saka

Read Next

TOOS: Jeenyo vs Gaadiidka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?