4 Ruux Oo Loo Xirxiray Cunsuriyad Ka Dhan Ah Sancho, Rashford iyo Saka

Afar ruux ayaa loo xirxiray arrimo la xiriira baaritaano ku aaddan ‘dambiyada nacaybka iyo cunsuriyadda’ ee la xiriira xadgudubka midab takoorka ee lagula kacay ciyaartoyda xulka Ingiriiska Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka kaddib guuldaradii Ingiriiska kasoo gaaray Talyaaniga kaddib fiinaalkii Euro 2020.

Saddexda ciyaartoy waxaa bartilmaameedsaday tuugo cunsuriyiin ah oo baraha bulshada kasoo weerarary kaddib markii ay seegeen rigoorayaal muhim ah oo Ingiriiska looga adkaaday fiinaalkii Tartanka Qaramada Yurub ee isbuucii hore, iyadoo booliska Ingiriiska ay shaaca ka qaadeen in afar ruux la qabqabtay iyadoo baaritaano ballaaran lagu sameynayo dhacdooyinka internetka ee cunsuriyadda saacadihii ka dambeeyay fiinaalka Wembley.

“Kaddib guuldarradii Ingiriiska ay kala kulantay Talyaaniga Axaddii, waxaa soo ifbaxay hadalo cunsurinimo ah oo loola jeedo qaar ka mid ah ciyaartoyda madowga ah ee kooxda kuwaasoo kasoo muuqday warbaahinada ay ku jiraan Facebook, Instagram iyo Twitter,” ayuu yiri Qeybta Booliiska ee UK.

“Baaritaanada dambiyada nacaybka waxaa hoggaanka u haya Booliiska Kubadda Cagta ee Boqortooyada Midowday, iyadoo koox heegan ah oo baarayaal ah ay la shaqeynayaan kuwaasoo soo gudbinaya warbixinno aad u tiro badan oo dalka oo dhan ah ee la xiriira arrimaha aan idiinsoo sheeganay.”

Sida laga soo xigtay Raiisal Wasaaraha UK Boris Johnson, qof kasta oo lagu helo inuu si toos ah uga qeyb ahaa cunsuriyad lagula kaco ciyaartoyda kubadda cagta waxaa laga yaabaa in laga mamnuuco inta uu nool yahay inuu ka qeyb galo ciyaaraha kubadda cagta ee Ingiriiska, maadaama hoggaamiyaha xisbiga Tory ee dalkaasi uu ku dhawaaqay qorshayaal lagu xoojinayo sharci looga gol leeyahay in looga hortago arrimaha cunsuriyadda.

Markii hore, taageerayaashii soo saara hanjabaadaha cunsuriyada ee gudaha garoonada kubadda cagta ayaa mas’uul ka ahaa in laga saaro garoomada lana soo saaro amarro lagu mamnuucayo- laakiin soo jeedinta xoojinta sharcigaas ayaa awoodahaas u fidin doonta taageerayaasha ku lugta leh falalka cunsuriyada ee internetka.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo U Weecatay Lewandowski Kaddib Markii 100 Milyan Oo Kane Ah Lagasoo Diiday

Read Next

Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Xiddigii Wacdaraha Ka Dhigay Euro 2020 Ee Nicolo Barella

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?